QalinJabin iyo Shahaado Gudoonsiin
Waxaa Degmada wisil lagu qabtey xaflad ay ku qalin jabinayeen ardey gaareysa 35 gabdhood oo dhamaysey qeyb ka mid ah aas aaska caluumta Caafimaadka.
Xaflada waxaa kasoo qeybgaley Maamulka Degmada oo ugu horeeyo gudoomiyaha Degmada,
Xog-haye Degmada, iskuduwaha caafimaadka,
Agaasimayaasha dowlada hoose iyo
Maamulaha machadka #SIHBA ustaad Siyaasi Samadoon Maxamed
Maamulaha macadka #sihba ayaa umahad celiyey marti sharaftii kala duwneed ee kasoo qayb gashey Xaflada.
Sidookale maamulaha ayaa bogaadin iyo mahadnaq gooni ah siiyey #Dr Xamdi daahir Mohamud oo aheyd #macalimadii soo saartey ardeydaan maantay ka qalin badalatey machadka Sihba iyo maamulka dagmada oo fududeeyey, taageray programkaan. Sigaaara ustaaad Liban Abshir Warsame oo ahaa lafdhabarta iyo agaasinka baraamijkaan inuu kaqabsomo dagmada wisil.
Hanbalyo hanbalyo dhamaa